RW Rooble oo gudoomiyay Shir Arrimo Xasaasi ah looga hadlay

Qodobada laga dooday waxaa kamid ah hanaanka doorashada dalka iyo Covid-19.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo gudoomiyay Shir Arrimo Xasaasi ah looga hadlay

MUQDISHO, Soomaaliya - Rooble ayaa Maanta oo Khamiis ah gudoomiyay Shirka Todobaadlaha Gollaha Wasiiradda, kaasoo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo taabanaya masiirka dalka.

"Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka, Gurmadka Fatahaadaha iyo Xaaladda Caabuqa Covid-19, iyadoo la ansixiyay habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Rooble kasoo baxay.

Kulanka waxuu ahaa mid ay kasoo wada qeybgaleen wasiiradda oo dhan, kuwaasoo qaarkooda Rooble siiyay warbixinno la xiriira shaqooyinkooda, iyadoo hadda aan jirin wax howlo ah oo socda, maadaama xili kala-guur lagu jiro oo doorasho iyo kursi raadis loo ordayo.

Xukuumadda Rooble ayaa looga fadhiyaa in 39 maalmood gudahooda doorasho ku qabato, iyadoo ay horyaallaan shaqooyin baaxad leh, oo xalintooda ay qaadan karta bilooyin badan, taasoo keeni karta inay doorashadda dib u dhacdo.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay dib u dhaca doorashadda kadib markii afartii sano ee uu xafiiska joogay uusan ka shaqeynin doorashadda, wuxuuna geliyay dalka xaalad dagaal bishii April ee sanadkan markii uu mudo korarsi sameystay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.