Rooble oo hambalyo u diray Shaqaalaha

Ra'iisul Wasaaraha xil gaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed iyadoo laga cabsi qabo in fadhiga maanta xilka looga qaado!

Warar Keydmedia Online
Rooble oo hambalyo u diray Shaqaalaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble oo sida lagu wado maanta natiijadiisu ku xirantahay waxa kasoo baxa fadhiga Golaha Shacabka BJFS ee uu maanta hor tagi doono madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo isagoo ka codsanaya in dib looga laabto sharcigii ay ansixiyeen, islamarkaana la qaato heshiiskii 17 -ka September.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xubnihii baarlamanka ee markii horeba u ololeenayay sharcigii muddo kordhinta ay wadaan haddana in mooshin deg-deg ah oo xilka looga qaadayo RW Rooble hor keenaan Golaha markuu furmayo, sidaasna xilka looga qaado sidi RW ka horreeyay xilka looga qaaday!

"Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaan hambalyo u dirayaa shaqaale weynaha Soomaaliyeed rag iyo dumarba. Waxaan uga mahadcelinayaa howsha adag ee qiimaha badan ee ay qarankooda u hayaan.

Waxaaan iyaga iyo qoysaskooda u rajeynayaa caafimaad qab iyo horumar joogto ah.Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed, dhowrista xuquuqdooda dhinac walba iyo abuurista fursado shaqo oo hor leh."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].