RW Rooble oo hor istaagay boobkii dhulkii Tiyaaatarka

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa si deg deg ah uga jawaabay baaq ay maanta u direen qaar ka mid ah hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo hor istaagay boobkii dhulkii Tiyaaatarka

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku amray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe, inuu hakiyo ijaarka, (Kireynta) qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka, oo ay iska kaashadeen, Wasiirka, maareeyaha Tiryaaratka Shube, iyo Shirkadda Xaawo Taako.

 War qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska Cismaaan Dubbe, ayaa lagu yiri “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

Qaar kamid ah hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ayaa maanta si wey kaga hor yimid, boob ay koox abaabulan kula kacayeen dhulka danta guud ee bulshadu wada leedahay, waxayna Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqeen in uu wax ka qabto, kaas oo sida muuqata ka bixiyay jawaab deg deg ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.