RW Rooble oo isku baddalay laba wasiir

Kusimaha Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku badalay laba wasiir oo ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo isku baddalay laba wasiir

MUQDISHO, Soomaaliya - Kusimaha Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku bedelay labo Wasiir oo ka tirsan xukuumaddiisa, waxayna kala yihiin Wasiirka Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Mudane Duraan Axmed Faarax oo horay u ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo horay u ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya.

Isku shaandheyntan ku kooban labada wasiir ayaa ku soo aadday xilli xukuumadda uu hoggaamiyo Rooble uu ka dhammaaday muddo xileedkii saxda ah, waxaana xukuumadda oo xil gaarsiin ah ay maanta ku sameysay isku shaandheyn ku kooban laba wasaaradood, iyadoo aan la ogeyn waxa ku soo beegay xilligan in la isku shaandheeyo labada wasaarad.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.