RW Rooble oo ka hadlay dilka gudoomiyihii Hodon

Wuxuu Ra'iisul Wasaaraha ku tilmaamay dilka Mas'uulkan mid nasiib darro ah

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ka hadlay dilka gudoomiyihii Hodon

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble "ROGANE" uu ku amray hay'adaha amniga dowladda inay baaritaan ku sameeyaan dilkii xalay saqdii dhexe Muqdisho loogu geystay gudoomiyihii degmada Hodon C/xakiim Dhagajuun.

"Waxaan tacsi u dirayaa qoyska & asxaabtii Guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah. Naxariistii janno Allaha siiyo. Waxaan hay'adaha ammaanka ee ku shaqada leh farayaa in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeystiran ku sameeyaan falkan," ayuu yiri Rooble.

Dilka gudoomiyaha ayaa ka dhacay bar-koontarool oo booliska ay ku leeyihiin Wadada Aadan Cadda oo ku dhaw Isgoyska Howlwadaag, waxaana la sheegay inuu ku dhintay rasaas lagu furay Gaari uu la socday.

Saacado kaliya ayuu Muqdisho joogay marka la dilayay, isagoo shalay ka yimid dalka Turkiga oo looga soo daaweeyay dhawac kasoo gaarey qaraxa lagula eegtay jidka 21-ka October ee Muqdisho sanadkii tagey.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka gudoomiyaha, laakiin waxuu kusoo aadayaa xili ay sii kordhayaan beegsiga lagu hayo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, oo Kooxda Al-Shabaab ugaarsanayso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].