RW Rooble oo ka hadlay wixii ka dhacay Laascaanood

Tallaabadan ayaa aad loo cambaareeyay, iyadoo lagu eedeeyay Somaliland inau si gaar ah u takoortay dadka kasoo jeeda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ka hadlay wixii ka dhacay Laascaanood

BARAAWE, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa isagoo ku sugan Baraawe ka hadlay arinta ka dhacay Laascaanood, G/Sool.

Rooble ayaa wax laga xumaado iyo ceeb ku tilmaamay in tallaabadan ay ku dhaqaaqday Somaliland ee ah dad Soomaaliyeed laga soo musaafuriyo qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya.

Somaliland ayaa 750 qof oo dumar iyo carruur ay ku jiraan shalay kasoo saartay si qasab ah magaaladda Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool, iyadoo aan sababta la ogeyn.

Dadkan ayaa iyagoo ku raran sidii xoolaha Baabuurta xamuulka laga dejiyay Gaalkacyo, dhanka waqooyi ee Puntland, halkaasoo dib u dejin KMG ah loogu sameynayo.

Sarkaal sare oo katirsan booliska Maamulka Muuse Biixi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ay yihiin ajnabi, isagoo intaasi ku daray inay Itoobiyaanka oo kala ula dhaqmayaan.

Dad badan ayaa cambaareeyay waxa ka dhacay Laascaanood, waxayna tallaabadan ay imaanaysaa maalmo kadib markii Muqdisho lagu doortay Senataro matalaya Somaliland.

"Si kasta oo aan u kala duwannahay waxaan aad uga soo horjeedaa in dadka Soomaaliyeed laga masaafuriyo Somaliland. Tani waxay lidi ku tahay qiyamka dadka reer Somaliland," ayay tiri Sucaad Odowaa, oo kamid ahayd Musharixiintii u tartamaya Kursiga Xildhibaanimo Somaliland May 2021.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen ayaa isna wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmay dadka kasoo jeeda degaanadiisa, wuuxuna ugu baaqey Somaliland inay falkan foosha xun ay ka bixiso raaligelin deddeg ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.