RW Rooble oo ka qeyb galay Aaskii saraakiisha Galmudug

Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyay Saraakiishii iyo ciidamadii ku geeriyooday Qaraxii shalay ka dhacay Gaalkacyo

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ka qeyb galay Aaskii saraakiisha Galmudug

GAALKACYO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Gaalkacyo saraakiishii qaranka ee ku shahiiday falkii argagixisadu shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shalay lagu laayay kaddib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay xilli lagu guda jiray soo dhaweyn loo sameynayay RW Rooble iyo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Aaska oo goor dhaw ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa kasoo qeyb galay Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyne Qoor Qoor, Taliyaha CXD General Odowaa, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliye Xijaar, Xildhibaanno iyo qaar kamida wasiirada Xukuumamadda soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleeka Galmudug.

RW Rooble ayaa booqasho ku marayay maalmihii lasoo dhaafay deegaanada Galmudug, isagoo horay usoo maray magaalooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Cadaado, Galinsoor iyo Bandiiradley. Wafdiga RW Rooble ayaa markii ay soo gaareen magaalada Gaalkacyo waxaa lala eegtay qarax, inkastoo aysan goobta soo gaarin, haddana qaban-qaabada wafdiga Ra'iisulwasaaraha ayaa goobta ka socotay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.