RW Rooble oo ku siran laamaha ammaanka ee Muqdisho

Muqdisho uma baahna kulamo isku sawir ah ee waxay u baahan tahay waxqabad dhab ah iyo shacabka oo la taageero.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ku siran laamaha ammaanka ee Muqdisho

RW Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo sheegay in amniga dalka uu degdeg wax uga qaban doono, ayaa kulan u muuqday mid aanay runta ka muuqan waxa uu la yeeshay laamaha ammaanka ee Muqdiho.

Rooble oo ka warhaya tayada ciidamada ammaanka Muqdisho, sida ay ku dhaqmaan laamaha ammaanka ayaa ku adkeysanaya in kuwa hadda jooga ay sugi karaan ammaanka gobolka Banaadir.

Saraakiisha iyo ciidanka jooga Muqdisho oo ah kuwo badi qaata laaluushka, islamarkaana dadka u kala sooca qaab qabiil, ayuu Rooble rumeysan yahay iney wax u qaban doonaan.

Dadka amniga ku taqsusay waxay sheegeen in Muqdisho ay u baahan tahay isku shaandheyn badan oo dhanka ammaanka ah, la keeno saraakiil aqoonyahanno ah iyo sidoo kale ciidan ay daacad ka tahay difaaca dalka.

Ciidamada dharka cad oo ah kuwa kaliya ee sugi kara ammaanka ayaaba ah meesha ugu daran ee mniga uu ka liito.

Tusaale, waxa ay soo qabanayaan qof ay moodeen inuu dhaqaale haysto, waxaana ay dusha uga tuurayaan dambi aanu lahayn, iyaga oo kadib u sheegaya qofkaasi inuu is furto, taasi oo ay kala jeedaan bixinta lacag laaluush ah.

Sharciga ku shaqeeya reer hebel ama qofkaas ayaa Laan-gaab ah, ayuu Rooble doonayaa inuu amniga Muqdisho wax uga qabto.

Haddii ay kooxaha nabadda diiddan lacag bixiyaan, maxaa u diiday askarta iney u fasaxaan meelaha ay rabaan in weerarada ay ka fuliyaan.

Muqdisho waxaa ku noolaan karo oo kaliya, qof lacag haysta oo markii la xiro bixinaya laaluush, ama qof ehelkiis ay ku xooggan yihiin magaalada si markii la qabto ay xabadka ugu garaacdaan.

Habeen iyo maalin waxaa la iska xiraa dhallinyaro aan waxbo galabsan, kuwaasi oo xitaa sida loo jirdilayo lagu kallifayo in marka lasii daayo ay nabad xumida ka shaqeeyaan.

Kahor inta aanu isku mashquulin RW Rooble hay'adahan lagu sheegay ammaanka, waxaa ka muhiimsan inuu ka shaqeeyo siideynta dhallinyarada masaakiinta ah ee aan waxbo galabsan.


KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.