RW Rooble oo la kulmaya amiirka Kuwait

Safarkan uu Ra'iisul Wasaaraha uu ku tagay Dalka Kuwait ayaa ah midkuu ugu horreeyey tan iyo markii xilkaan loo magacaaban.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo la kulmaya amiirka Kuwait

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xalay gaaray dalka Kuwait ayaa maanta la filayaa in kulan uu la qaato Amiirka dalkaasi.

Ulajeedka safarkan uu ku tagay Kuwait ayaa ahaa tacsida amiirkii dalkaasi ee ku dhintay Maraykanka.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha uu Amiirka Kuwait kala hadli doono xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka Labada dal.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.