RW Rooble oo la shiray laamaha ammaanka

Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir ku saabsan amniga dalka gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan la qaatay laamaha amniga

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo la shiray laamaha ammaanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay taliyeyaasha laamaha amniga dalka gaar ahaan kuwa ka howl gala caasimadda dalka ee Muqdisho.

Kulanka ayuu Ra'iisul Wasaaraha kula dardaarmay ciidanka sara u qaadista feejignaanta dhanka amniga ee guud ahaan dalka inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay kordhiyaan weeraradooda bishan Ramadaan, iyagoo dardar galiya howlahooda qal-qal galinta ah ee lagu beegsanayo shacabka iyo mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda, habeenka 17 -aad ee bil kasta oo Ramadaan ayey kooxdu qaaddaa weerarro kala duwan oo ay ku beegsaneyso dadka shacabka ah iyo kuwa dowladda ka tirsan.

Dhinaca kale dowladda ayaan iyadu marnaba qaadin wax tallaabo ah oo looga hor tagayo weerarradaasi lasii og yahay bil kasta oo Ramadaan, xilligan lagu jiro waxaa xilli kala guur ah, laamaha amniga iyo guud ahaan saraakiisha ugu sarreysa dalka waxay ku mashquulsan yihiin arrimaha doorashooyinka, taasina waxay keeni kartaa wax ka qabasho la'aanta weerarrada qorsheysan ee kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].