RW Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Garoowe

Rooble ayaa safarkaan sii shaaciyey Todobaad kahor.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Garoowe

Maanta oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal uu gaaro Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa shalay Garoowe gaaray wafdi horudhac u ah Ra'iisul wasaaraha, iyadoo ammaanka guud ee magaalada Garoowe maanta aad loo adkeeyey.

Marka uu Rooble tago Garoowe ayuu la kulmi doonaa madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Deni oo uu kala hadli doono arrimo dhowr ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.