RW Rooble oo maanta ku wajahan Boqortooyada Sacuudi Caribiya

Sii-hayaha xilka Ra’iisl Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta u ambabaxaya dalka Boqortooyada Sacuudi Caribiya.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo maanta ku wajahan Boqortooyada Sacuudi Caribiya

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa saacadaha soo aadan ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isago ku wajahan waddanka Sacudiga.

Sida ay Keydmedia Online hore u sheegatay, Ujeedka safar-ka RW, Rooble, ayaa ah mid cumro, wuxuuna ku soo aadayaa maalmo kadib markii lagu wareejiyay hoggaanka doorashooyinka iyo amniga.

Sida ay sheegayaan ilo loo qaateen ah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa diyaarad qaas ah u soo dirtay RW Rooble, waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socda ka dhoofo Muqdisho.

Inta uu ku guda jiro cumreysiga, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la kulmi doona madax sare oo ka tirsan maamulka Sacuudiga, wuxuuna xal u raadin doonaa madmadow ka dhex jiray xirirka labada waddan sanadihii la soo dhaafay.

Dalka Sacuudiga ayaa dib u furay duulimaadyada caalamiga ah, kadib markii uu waddanku xakameeyay faafidda cudurka safmark ah ee COVID-19.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.