RW Rooble oo magacaabay guddi farsamo

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka taageeraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha arrimaha doorashooyinka

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo magacaabay guddi farsamo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay guddi sare ee farsamo oo ka taageeraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha arrimaha doorashooyinka, guddiga ayaa ka kooban toddobo xubnood.

Guddigan ayaa howshiisa tahay isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

RW Rooble ayaa guddigan madax uga dhigay Cabdulqaadir Cilmi oo ay Ra'iisul Wasaaraha iskala shaqeynayeen hay'adda ILO oo kamida hay'adaha caalamiga ah ee ka howl gala magaalada Muqdisho. Cabdulqaadir waxaa uu hoggaamin doona kooxda fududeyn doonta howlaha doorashada 2021.

Magacaabista guddiga farsamada ee doorashada ayaa timid kaddib markii jahwareer ka dhashay qaabka uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu mareynayo mas’uuliyadda loo igmaaday qabashada doorasho loo dhanyahay. Madaxa Guddiga Farsamada C/qaadir waxaa isna la shaqeyn doona AVV Cumar Dhagey oo ah khabiir arrimaha doorashooyinka, ahaana Guddoomiyhii gudigii doorashada ee 2016.

Rooble ayaa isku arkay in uu qaaday tallaabo hordhac u ah qorshaha kalsooni dhiska saamileyda siyaasadda iyo waliba xoojinta wada shaqeynta beesha caalamka, waxa uuna soo xulay shakhsi aan ka tirsaneen kooxda Fahad iyo Farmaajo, waana shaksi dhexdhexaad ah oo aan horay looga baran inuu dhex-boodo siyaasadda jahwareersan ee Soomaaliya ka jirta.

Halkan hoose ka akhriso magacyada xubnaha guddigan:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 22 September 2021 8:30

Wada-hadalladii u socday Rooble iyo Farmaajo, ayaa qarka u saran in ay burburaan, kadib markii uu Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka biya diiday shuruudo u jeedkoodu yahay in lagu daboolo kiiska Ikraan.