RW Rooble, oo magacaabay guddi muhiim u ah doorashooyinka

Dhawaan Keydmedia Online, waxa ay daabacday warbixin ku saabsn, sida uu Farmaajo, u takooray, isla-markaana uu darka siyaasadda uga dheereeyay dumarka Soomaaliyeed, hayeeshee, Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa u muuqda in uu qaaday waddo middaas ka duwan.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble, oo magacaabay guddi muhiim u ah doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddi xaqijinaya qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyhiin kuraasta Baarlamaanka 11-aad, kaas oo la filayo in ay dhawaan doorashadiisu ka billaabato dalka.

“Si loo hubiyo matalaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta  iyo xaqiijinta qoondada haweenka  ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS”. Aya lagu yiri war ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sida ku cad qodobka Shanaad ee heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranku ku gaaray Muqdisho, 27 May 2021, Goluhu wuxuu isku raacay, in qoondada haweenka ee 30%, la illaaliyo, iyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2020, lagu saxiixay Caasimada.

Dhawaan Keydmedia Online, waxa ay daabacday warbixin ku saabsn, sida uu Farmaajo, u takooray, isla-markaana uu darka siyaasadda uga dheereeyay dumarka Soomaaliyeed, hayeeshee, Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa u muuqda in uu qaaday waddo middaad ka duwan.

Qaar ka mid ah guddigaan ka kooban 13 xubnood, waxaa ku jira Maamooyin, si weyn uga qeyb qaatay in dalku ka badbaado gacan kalitalis bishii April, sida Marwo, Caasho Geelle Diiriye, oo dhowr jeer warbaahinta ka weerartay Laanta Fulinta (Xukuumadda).

Haweenka Soomaaliyeed waxay taariikh u leeyihiin ka mid noqoshada dadaallada dhexdhexaadinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka. Kaliya maahan inay doorkaan ka ciyaareen, sidoo kale waxay qeyb ka ahaayeen hirgalinta ajandaha UN Women, Peace and Security (WPS).

Madaxdii Soomaaliyeed, ee qaban qaabinayay shirkii dib u heshiisiinta ee sanadkii 2000 ka dhacay Jabuuti, ayaa lagu xasuustaa in ay qaateen go’aan taariikhi ah oo ay haweenka ugu ogolaadeen in ay ka mid noqdaan Geedi-socodka Nabadda Qaranka Soomaaliyeed.

Ka qeyb galka haweenka ee kulamada lagu jaan goynayo siyaasadda qaranka waxay noqon kartaa muunad waxtar leh oo wax looga qaban karo cawaaqibka khilaafkan.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga  xaqijinaya qoondada haweenka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.