RW Rooble oo magacaabay guddiga dib-u-heshiisiinta Gedo

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo magacaabay guddiga dib-u-heshiisiinta Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo, kaasoo ka kooban afar xubnood oo heer Wasiir dowlad goboleed oo ka kala socda Afarta Dowlad Goboleed ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo safar ku tagaya Garbahaarey.

Guddigan ayaa sida la qorsheynayo waxay soo dhammeystiri doonaan muran siyaasadeedkii ka dhaxeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaasoo isku af-garan waayay arrinta muranka badan dhalisay ee gobolka Gedo.

Wasiiradan laga soo kala xulay afarta dowlad goboleed ayaa kala ah sidan: 

  1. Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle
  2. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad
  3. Wasiirka Wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow
  4. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad goboleedka Galmudug Aadan Cismaan Xuseen

Mas'uuliyiinta heerka wasiir ee dowlad goboleedyada ayaa sida muuqata ka kooban ilaa iyo saddex wasaaradood, dowlad goboleedyada Hishabeelle iyo Puntland ayaa laga soo xulay wasiirada arrimaha gudaha, halka Galmudug laga soo xulay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, dowlad goboleedka Koonfur Galbeedna waxaa laga soo xulay wasaaradda qorsheynta, taasina waxay u muuqataa wasiirada la shaqeyn kara xulufada kooxda Farmaajo ee ka shaqeyneysa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen in ay dhacaan kuraasta xildhibaanada gobolka Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.