RW Rooble oo Nairobi ka wada olole dhaqaale aruuris ah

Safarka Rooble ee Kenya ayaa yimid kadib markii uu casuumaad ka helay Uhuru, oo aan xiriir fiican kala dhaxeynin Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo Nairobi ka wada olole dhaqaale aruuris ah

NAIROBI, Kenya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Nairobi ka wada kulamo joogto ah tan iyo shalay, isagoo Maanta la kulmay safiiradda dalalka Beesha Caalamka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in Rooble uu kala hadlay Safiiradda arrimaha Soomaaliya, isagoo waydiistay inay bixiyaan dhaqaalaha lagu fududeynayo doorashadda.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa u sheegay deeq-bixiyaasha in Soomaaliya ay u baahan tahay malaayiin dollar oo lagu qabto doorashadda, oo hadda ka billaabatay dalka qeybo kamid ah.

Safiiradda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa u sheegay Rooble inay caawin doonaan dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay u sameyn doonaan taageero dhaqaale oo lagu fududeeyo doorashadda.

Horey waxay dowladda Federaalka uga dalbatay saaxiibada beesha Caalamka inay bixiso dhaqaalaha doorashadda, iyadoo illaa hadda UN-ka oo kaliya bixiyay 7.2 milyan, iyadoo aan jirin dowado kale oo wax bixiyay.

Lama oga dowladda qeybta ay ka bixin doonto lacagta doorashadda, oo ka badan $15 milyan oo dollar, taasoo illaa hadda qeyb kamid ah gacanta ku jirin, oo dibadda laga sugayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.