RW Rooble oo noqday madaxa ololaha doorashadda Farmaajo

Farmaajo ayaa doonaya markale in la doorto, iyadoo afartii sano ee uu kursiga ku fadhiyay uu dalka geliyay nidaam kaligii talisnimo ku dhisan iyo jahwareer siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo noqday madaxa ololaha doorashadda Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa noqday madaxa ololaha dib u doorashadda Farmaajo, iyadoo shaqada ugu wayn ee uu qabtay xafiiska marka la eego ay kamid tahay inuu soo saarey gudi doorasho oo u badan shaqaalaha dowladda iyo NISA.

Sidoo kale, Rooble ayaa dhisay Xukuumadda dhamaan wasiiradeedu yihiin calan-wadiyaasha Farmaajo, kuwaasoo doonaya inay booskooda difaacdaan, islamarkaana dib ugu soo laabtaan kuraasta Gollaha Shacabka, iyadoo u codeynaya Madaxweynaha Febuary 8, 2021.

Marka la eego mudadii dheerayd ee Farmaajo ku qaadatey inuu Rooble xilka ugu magacaabo, waxaa banaanka soo baxay in ujeedka Villa Somalia ahaa inay hesho nin wadi kara ololaha doorashadda Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanaya.

Go'aanka Rooble lagu keenay wuxuu yimid kadib markii Khayre uu diiday inuu Farmaajo u ololeeyo, kana tanaasulo damaca inuu xilka Madaxweynaha u tartamo, taasoo keentay khilaaf iyo in si deg deg ah, oo sharciga dalka baal-marsan jagada looga qaado.

Hadda, Xukuumadda Rooble waxay kawadaa Muqdisho shaqo aan ahayn mida loo dhaariyay, iyadoo xoogga saaraysa sidii doorashadda soo socota loo boobi lahaa codadka, waxaana la diyaarinayaa Xildhibaanno daacad u ah Villa Somalia, oo Fahad Yaasiin diiwaangeliyay, kuwaasoo la doonayo inay codka siiyaan Farmaajo.

Qorshaha socda, oo Keydmedia Online warbixinno badan kasoo qortay maalmihii u dambeeyay ayaa walaac ku beeray Musharaxiinta kale, iyadoo cabsida la qabo ay tahay inay dhici wayso doorasho xor iyo xalaal ah, oo si siman loogu tartamo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.