RW Rooble oo qaabilay Urur uu RW Kheyre ku tilmaamay argagaxiso

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Ururka ONLF, Mahdi Maadeey, kaas oo salaaan sharafeed ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo qaabilay Urur uu RW Kheyre ku tilmaamay argagaxiso

NAIROB, Kenya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh, oo qudhiisa wafti uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin Caasimadda Kenya.

Guddoomiyaha Ururka ONLF, ayaa booqasho ku tagay Hteelka uu Nairobi ka degan yahay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana labada dhinac ka wada hadleen xaalado la xariira Geeska Africa.

Sida uu sheegay Af-hayeenka ONLF, Caddaani Hiirmooge, kulanka RW Rooble iyo Guddoomiye C/raxmaan, waxaa looga hadlay arrimo ay ugu muhiimsan tahay is garab istaagga guud aahn Soomaali weyn iyo ka wada shaqeynta danaha isku xiran ee Qowmiyadda Soomaalida.

Xalay ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Rooble, la kulmay Cabdikariin Sheekh Muuse, Qalbi-dhagax, oo sanadkii 2017-kii ay Dowladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya.

Isla sanadkaas, Xukuumadii Xasan Cali Kheyre, ayaa Ururka ONLF ku dartay liiska Argagixisada, inkastoo Baarlamaanka Dowladda Federaalka uu diiday go’aankii Golaha Wasiirrada.

Ilaa hadda Xukuumadda Somaaliya, ayaan ka laaban go’aankii ay gaartay Xukuumadii Kheyre 2017, kaas oo ONLF, loogu aqoonsaday argagixiso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.