RW Rooble oo qaadey tallaabo uu ku dhabar-jebinayo Farmaajo

Waxuu qorshaha yahay in 14-ka bishan la dhaariyay Baarlamaanka cusub, kaasoo awoodda dalka la wareegi doono inta Madaxweyne cusub laga soo dooranayo.

News Keydmedia Online
RW Rooble oo qaadey tallaabo uu ku dhabar-jebinayo Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga FEIT ayaa Maanta Shahaadooyinka Xildhibaanimo siiyay 54 mudane, oo ka kala tirsan Aqalka Sare iyo Gollaha Shacabka, kuwaasoo noqonaya qeybtiisa 1aad.

Tallaabadan ayaa u gogol-xaareysa qorshaha Rooble in 14-ka bishan la dhaariyo Baarlamaanka cusub, oo talada iyo awoodda dalka la wareegayo, inta Madaxweyne cusub laga soo dooranayo.

FEIT ayaa waxay horey u dejiyay jadwal ah in Xildhibaanada dooran la dhaariyo, lana siiyo shahaadooyinka 14-ka April, oo ka harsan 12 maalin, waxaana go'aankan taageeray Beesha Caalamka.

Khamiistii lasoo dhaafay, FEIT ayaa shaacisay liiska 299 Xildhibaan, iyadoo laga saarey 4 xubin, oo uu ku jiro Fahad Yaasiin, waxaana tallaabadan abuurtay khilaaf horleh iyo kala qeybsanaan.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo degaankiisa laga soo doortey Fahad Yaasiin ayaa kahor yimid go'aanka FEIT, isagoo sheegay inuusan waafaqsanayn heshiiska doorashadda dalka.

Sidoo kale, MW Lafta-Gareen ayaa diiday tallaabada FEIT, kadib markii saddex xubin oo Koonfur Galbeed laga doortay laga saarey Liiska, waxayna tani fureysa albaab cusub oo khilaaf ah.

Lama hubo xiliga ay dhacayso doorashadda Madaxweynaha, waxaana jira hubanti la'aan sabab u ah dib u dhaca doorashadda kuraas taalla HirShabeelle iyo Garbahaarey oo Jubbaland katirsan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.