Rooble oo raacdeeyay Wasiirkii Amniga mid cusubna magacaabay

Dad badan ayaa aaminsan in RW Rooble uu soo afjari karo dagaalka Farmaajo hadii uu xilka ka ceyriyo xulafadiisa inta ku jirta Golaha Wasiiradda. Taas waxay abuuri kartaa in rajada Farmaajo ee dibu-soo-noqoshada ay meesha ka baxdo. 

Warar Keydmedia Online
Rooble oo raacdeeyay Wasiirkii Amniga mid cusubna magacaabay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilkii ka raacdeeyay Wasiirkii Amniga Xasan Xundubey Jimcaale, wuxuuna isla xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo soo noqday Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda.

“Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble, oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xaafiiska Rooble.

Xasan Xundubey Jimcaale (Xundubey), ayaa ka mid ah Wasiirro ka caga jiiday amarro uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, oo masuul ka ah amniga iyo doorashooyinka dalka, wuxuuna maanta ku fashilmay inuu qaato doorkiisa Wasiirnimo, kadib markii taag-taag ciidan kooxda Farmaajo galiyeen aagga Xarunta dhexe ee NISA.

Wasiirka xilka laga xayuubiyay Xundubeey, wuxuu hore ugu lug-yeeshay eedo la xariira weerarkii ka dhanka ahaa Madaxweynayaashii hore (Xasan & Shariif) iyo weerarkii lagu qaaday shacab bannaan-baxay oo ay hor kacayeen Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre iyo Hoggaamiyaha Wadajir Warsame, waxaana lagu xasuusta is hor istaaggii uu ku sameeyay bannaan-baxyadii lagu cabirayay dareenka bulshada.

Sida ay Keydmedia Online, hore u baahisay, Rooble, ayaa maalmaha soo socda ka takhalusi doona xubno kale oo ka mid ah Wasiiradiisa, gaar ahaan, kuwa ku daaban Farmaajo, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay muddo dheer ka shaqeynayeen hagardaamada Xukuumadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.