RW Rooble oo safar ku tagay Aw-dheegle

RW Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliyeed Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Ciidamda Aw-dheegle.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo safar ku tagay Aw-dheegle

AW-DHEEGLE, Soomaaliya - Raiisulwasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safar deg-deg ah ku tagay Degmada Aw-dheegle gaar ahaan saldhigga ciidamdad ee dhawaan weerarka ay kusoo qaadeen kooxda Al-Shabaab.

 Safarka RW Rooble oo uu ku wehliyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage ayey booqasho ku tageen degmadda Aw-dheegle ee Shabeelaha Hoose, iyagoo garoonda diyaaradaha Aadan Cadde ka raacay diyaarad nuuca qumaatiga u kaca.

Raiisul Wasaaraha ayaa safrkiisa ku beegay maanta oo ay tahay munaasibadda maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed 12 April, inkastoo munaasabaddii weyneed ee sanad kasta lagu qaban jiray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ay sanadkii labaad u baaqaneyso xaalad amni xumo awgeed, ayuu maanta RW Rooble diyaarad u qaatay si uu ula hadlo Ciidan ku jira xero ciidan oo ku taal Degmada Aw-dheegle.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].