Shirka Rooble ku baaqay oo bilaabanaya dhamaadka bisha May

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa iclaamiyay shirkii dhammeystirka arrimaha doorashooyinka ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada

Warar Keydmedia Online
Shirka Rooble ku baaqay oo bilaabanaya dhamaadka bisha May

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka oo 20/May/2021 ka dhici doona Muqdisho.

Kulankaan ayaa looga hadli doona xallinta dhibaatooyinkii ka dhashay Arrrimaha doorashooyinka, waxaana shir gudoomin doona Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo ay ka maqan yihiin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayuu RW Rooble doonayaa inuu qabto iyadoo laga yaabo in shirkaasi uusan qabsoomin.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ajiibtay ama diidday, inkastoo dowlad goboleedyada qaar ay shardi ku xireen ka qeyb galka shirkaasi, maadaama aan lasoo dhammeystirin shuruudihii hore ee uu diiday Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].