RW Rooble oo saacadaha soo socda ku wajahan Kismaayo

Wafti uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo saacadaha soo socda ku wajahan Kismaayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta ku wajahan xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Jubbaland, ahna magaaalo madaxda gobolka Jubbada hoose ee Kismaayo

Wafitiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa la filayaa in ay saacadaaha soo socda ka ambabaxaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, u diyaargowga soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ayaana laga dareemayaa magaalada Kismaayo

Sida ay Keydmedia Online baahisay labo maalin ka hor, U jeeddada Safarka Rooble, ayaa ah arrimo la xariira hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo nabadgelyada.

Arrinta ugu weyn ee Rooble, u tagayo Kismaayo ayaa ah, xalka arrinta Gobolka Gedo, oo ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee sababay dib u dhaca doorashooyinka dalka.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa hore u go’aamiyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, xilli ay hore ugu sugnaayeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Maxamed Xuseen Rooble wuxuu hore u magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo, kaas oo ka kooban afar xubnood oo heer Wasiir Dowlad goboleed ah oo ka kala socda Afarta Dowlad Goboleed ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

KON, waxa ay fahansan tahay in safarka xiga ee Rooble uu yahay socdaal uu ku tagi doono magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, wuxuuna ka soo laabashadiisa Muqdisho kadib uu ka dagi doonaa Baladweene, oo xasarado ka aloosan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.