RW Rooble oo soo dhaweeyay go’aanka Guddiga FEIT

Xildhibaannada cusub ee xalay ku soo baxay liiskii la shaaciyay, ayuu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka, oo hadda maraya marxalad adag, hoggaan ahaan iyo amni ahaanba.

News Keydmedia Online
RW Rooble oo soo dhaweeyay go’aanka Guddiga FEIT

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo dhaweeyay najiijada doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, oo ay ku dhawaaqeen, Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

War ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed  ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen.

Maamullada aan wali dhameystirin doorashada kuraasta Golaha shaabka, ayuu RW Rooble, ugu baaqay in ay si deg deg ah u soo af-meeraan 30-ka kursi ee baaqiga ah, taasoo ka dhigan inuu aqbalay afarta kursi ee FEIT, natiijadoda diidday.

Xildhibaannada cusub ee xalay ku soo baxay liiskii la shaaciyay, ayuu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka, oo hadda maraya marxalad adag, hoggaan ahaan iyo amni ahaanba.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, ayuu sidoo kale, amar ku siiyay in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta Xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si loo guda galo xildhibaannadu doortaan guddoonka Golayasha.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayayaasha Golayaasha Baarlamaanka, ayaa xalay shaaciyay natiijada doorashada kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ilaa hadda la doortay.

Kursiga HOP086, oo Fahad Yaasiin, boobay iyo saddex kursi oo ka yimid maamul goboleedka Koofur galbeed, ayaa la hor istaagay, maadaama qaabkii ay ku soo baxeen ay ahayd hab baal marsan hannaanka doorashooyinka.

KEYDMEIDA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.