RW Rooble oo taageeray Mowqifka Galmudug iyo HirShabeelle

Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo dhaweeyay Mowqifka Maamullada Galmudug iyo HiShabeelle ee ku diideen muddo kordhinta.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo taageeray Mowqifka Galmudug iyo HirShabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble, ka xun yahay, xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababtey barakaca Shacab badan oo danyar ah.

“ Waxaan soo dhawaynayaa Warmurtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah”. Ayuu yiri RW Rooble.

Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020, wuxuuna daneeyayaasha doorashooyinka ugu baaqay in dalku aado doorasho heshiis lagu yahay.

Ciidamada ayuu mar kale ugu yeeray in ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, wuxuu taliyayaasha ku amray in ay ciidanka dib ugu celshaan xeryahoodii.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, wuxuuna tilmaamay in doorka Beeha Caalamka uu yahay mihiin.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay garab istaagaan dedaalada nabadaynta iyo xasilinta Dalka iyo sidii aan si nabad ah doorasho uga hirgalin lahayn Dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.