RW Rooble oo tallaabadii labaad ee wax ku ool ah qaaday

Marka laga yimaado go’aankii uu Rooble ka qaatay muddo kordhintii Farmaajo sameytay, tallaabadii uu maanta qaaday ayaa loo aqoonsaday in ay tahay middii labaad ee wax ku ool ah tan iyo markii uu yimid xaafiiska.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo tallaabadii labaad ee wax ku ool ah qaaday

MUQDISHO, Soomaaliya -  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galabta Xiilkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha Hay’adda NISA Cabdullaahi Aadan Kullane (Jiis) iyo taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

Kullane, oo ahaa gacanta midig ee Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin, kana mid ahaa shqasiyaad kooban oo afartii sano oo la soo dhaafay dalka ka waday arburshaad siyaasadeed, ayaa si cad u diiday amar uu dhawaan soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Rooble, kaas oo ahaa in aan cidna caqabad ku noqon karin socdaalka Jubbaland iyo guud ahaan dalka.

Marka laga yimaado in Kullane Jiis, uu yahay saaxiibka ugu dhow ee Fahad Yaasiin, iyo Agaasimihii Shaqaalaha Hay’adda NISA, wuxuu ahaa qofka gacanta ku hayay dhamaan CV-yada musharixiinta ay NISA, dooneysay in ay sanadkaan u soo saarto ka mid noqoshada Golayaasha Baarlamaanka.

Kullane, oo dadka qaar u yaqaanaan (Jiis Mareexaan) wuxuu qeyb weyn ku lahaa dagaalladii Caasimadda ka dhacay dhamaadkii bishii April ee la soo dhaafay, wuxuuna masuul buuxa ka ahaa dhibaatooyinii kala duwnaa ee ka dhacay gobolka Gedo.

RW, Rooble, inkastoo lagu dhaleeceeyay, u dulqaadashadiisa badan iyo dhabacsanaantiisa saa’idka ah, hadana ugu danbeyn, maanta wuxuu qaaday tallaabadii labaad ee muhiim ah tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Marka laga yimaado go’aankii uu Rooble ka qaatay muddo kordhintii Farmaajo sameytay, tallaabadii uu maanta qaaday ayaa loo aqoonsaday in ay tahay middii labaad ee wax ku ool ah tan iyo markii uu yimid xaafiiska.

Dhamaan waxgaradka Soomaalida, ayaa si weyn ugu taageeray Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxaana lagu amaanay tallaabada uu qaaday ee sharciga iyo kala danbeynta lagu difaacayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.