RW Rooble oo xoogga saaraya hanaanka deyn cafinta Soomaaliya

Soomaaliya ayaa ku dedaaleysa sidii deymaha looga cafin lahaa, iyadoo ay jiraan dalal dhowr ah oo ku dhawaaqay cafinta qaar ka mid ah deymihii ay dalka ku lahaayeen.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo xoogga saaraya hanaanka deyn cafinta Soomaaliya

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay guddi hoosaadka horumarinta dhaqaalaha, waxaana uu kala hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn, wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ka warbixiyey halka ay wax marayaan, iyo sida looga shaqeynayo in Soomaaliya laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay.

RW Rooble ayaa ku adkeeyey guddigan muhiimadda ay u leedahay deyn cafinta dib u dhiska dalka.

Waxa uu dalbaday in la dardar-geliyo hannaanka loo marayo deyn cafinta Soomaaliya, si loo hiigsado horumar iyo barwaaqo.

Sidoo kale, Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saareyso muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Dalal badan ayaa Soomaaliya ka cafiyey deymihii ay ku lahaayeen, iyadoo weli ay socoto hanaanka deyn cafinta dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.