Man held in Italy jail for 18 years killed in Somalia blast
Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka ayaa maanta siyaabo kala duwan u qaabilay Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Xamse Cabdi Barre, oo gudduunnada tagay salaan iyo isbarasho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha uu Arbacadii magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Xamse Cabdi Barre ayaa billaabay olole uu ku doonayo inuu si buuxda u helo kalsoonida xubnaha Labad Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, kuwaasoo uu Dastuurku dhigayo in ay magacaabiddiisa ansixiyaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa saaka kulamo la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo kala hadlay sidii ay ugu gacansiin lahaayeen inuu helo kalsoonida Golayaasha, si una soo dhiso Xukuumad cusub.
Sida xoguhu tilmaamayaan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale la filayaa inuu saacadaha soo aaddan kulamo la qaato, Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka iyo xubno saameyn ku dhex leh Xildhibaannada, si Ra’iisul Wasaaruhu si degdeg ah ugu helo kalsoonida uu u baahan yahay.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hoygiisa ku booqday, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Gudlaawe Xuseen, xilli la filayo inuu kulamo gaar gaar ah la qaato, Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo dhamaantood ku sugan caasimadda.
Baarlamaaku wuxuu xaq u leeyahay inuu diido magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha, haddii Xildhibaannadu ku qanci waayaan awoodda shaqsiga la magacaabay, taasoo sababeysa in Madaxweynuhu mar kale shaqsi kale u magacaabo xilkaas, waana sababta uu ololaha u billaabay RW Xamza, inkastoo aysan jirin cabsi ku aaddan ansixintiisa.
Sida uu dhigayo qodobka 100-aad ee dastuurka, Awoodda Ra’iisu Wasaaraha waxaa ka mid ah inuu yahay, Madaxa Xukuumadda Federaalka ah, Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada, Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments