Saadaq Joon oo difaacyo ka sameystay Shiirkole

Warar ayaa sheegaya in taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir uu helay taageero Ciidan iyo hub.

Warar Keydmedia Online
Saadaq Joon oo difaacyo ka sameystay Shiirkole

MUQDISHO, Soomaaliya - Saadaq Joon oo 12-kii bishan Farmaajo ka qaadey xilka taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa difaacyo ka sameystay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodon.

Xiisada ayaa ka taagan Muqdisho, waxaana laga casbi qabaa in dowladda Farmaajo ay duulaan ku qaado Saadaq Joon oo xalay u hoyday xaafadda ay ku badan yihiin dadka uu ka dhashay, halkaasoo ay ugu tageen Xildhibaano beeshiisa ku matala Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Saadak Joon uu helay taageero Ciidan iyo hub, waxaana mucaaradka laga yaabaa inay ninkan u adeegsadaan burburinta Farmaajo oo isna adeegsanaya Ciidanka qaranka iyo hantida dowladda.

Saacad kasta waxaa la filan karaa dagaalka Magaaladda Muqdisho ka qarxa, maadaama labo Ciidan ay isku horfadhiyaan Shiirkole iyo nawaaxigeeda, iyadoo Xukuumadda Rooble ay la kulmaysa cadaadis inay joojiso duulaanka Saadaq Joon.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.