Saadaq Joon oo fariisan ka sameysatay Shiirkole

Taliyihii hore ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xassan ‘Joon’ oo wata ciidamo fara badan ayaa caawa ku hoyanaya xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan.

Warar Keydmedia Online
Saadaq Joon oo fariisan ka sameysatay Shiirkole

MUQDISHO, Soomaaliya – Saadaq Cumar Xassan ‘Joon’ ayaa galabta ka soo guuray, wadada Jaayga oo ku taalla agagaarka garoonka Aadan cadde oo uu dhawaanahaan deganaa, wuxuuna qorrax gaabkii galabta galay Xaafadda Shiirkole.

Xaafaddan oo dhacda Waddada Warsahadaha, ayaa la soo warinayaa in Saadaq iyo ciidamadiisu ka sameysteen fariisimo dhowr ah, waxayna Shiirkole qarka u saran tahay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya.

Sababta uu Taliye Saadaq Joon, u degay Xaafadda Shiirkole ayaa la rumeysan yahay in ay tahay gabbaad uu ka doonayo beeshiisa oo xaafadda u badan haddi Dowladdu isku daydo in ay weerarto.

Saacado ka hor ayay ahayd markii Farmaajo uu darajadii ciidan ka xayuubiyay Saadaq joon, kaas oo Isniintii uu Taliya Booliska Soomaaliya ka qaaday xilkii taliyaha Booliska Gobalka Banaadir.

Dhanka kale, xaaladda Muqdisho ee caawa ayaa aad u kacsan, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xooggan.

Warar is khilaafsan, ayaa kasoo baxay xaalad amni oo ku soo korortay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, taas oo xarun u ah inta badan siyaasiyiinta Mucaaradka, waxaana wararka qaar sheegayan in Madaxweynayaashii hore, caawa ka guureen Wadajir, una kala ruuqaan sadeen degmooyinka Cabdicaziiz iyo Kaaraan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].