Saadaq Joon oo gudaha u galay degaanka Camaara

Ciidanka Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa saacado gudohood la wareegay fariisimo farabadan oo Al-Shabaab ku lahaayeen koofurta iyo bariga Gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online
Saadaq Joon oo gudaha u galay degaanka Camaara

CAMAARA, Soomaaliya – Ciidan uu hor kacayo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Joon) ayaa la wareegay degaanka Camaara ee gobolka Mudug oo in muddo ah ay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug kaabiga ku hayeen.

Ciidamada howlgalka ka wada kofurta iyo bariga Mudug, ayaa qorrax dhicii galabta dagaal la’aan kula wareegay Camaara, taliyaha hoggaamiyay ciidanka ee Saadaq Joon, ayaana goob fagaare ah kula hadlay dadka degaanka.

Ciidamadaan galabta gaaray Camaara ee uu hor boodayo Joon, ayaa hore cagta u mariyay dhowr saldhig oo Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyin hoos taga degaanka.

Saaka war ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidamada Huwanta ah gudaha u galeen degaanno ay shalay dagaallo kharaar ka dhceen oo u daxeeyay Qeycad iyo Xarardheere.

Saraakiisha hoggaaminaya howlgalka gobolka Mudug looga xoreynayo Kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay in Ciidanku sida ugu dhaqsiyaha badan u ruuqaansan doono dhanka degmada Xarardheere, halkaas oo saldhig xooggan ay Al-Shabaab ku lahaayeen muddo dheer.

Saadaq Joon, waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay in dalku ka badbaado gacan kalitalis bishii April, taas oo sababtay in Farmaajo iyo taliyaha Booliska Xijaar ay ka xayuubiyaan jagadii, garaadihii iyo xuquuqaadki ciidan ee uu lahaa.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.