Saadaq Joon oo la hoos geeyay ammaanka garoonka diyaaradaha

Ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa la hoos geeyay Saadaq Joon oo isaga iyo ciidamada uu hoggaamiyo ee Haramcad ee hore falal amni darro uga geysteen Caasimadda.

Warar Keydmedia Online
Saadaq Joon oo la hoos geeyay ammaanka garoonka diyaaradaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed ‘Xijaar’, ayaa saldhigga booliska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, hoos geeyay taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa saldhig madax-bannaan.

Kadib wada hadallo, habeen ka hor ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu heshiiyay in guud ahaan ammaanka garoonka diyaaradaha la hoos geeyo taliyaha booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon, kaas oo ka mid ah saraakiisha daacadda u ah Farmaajo.

Saadaq Joon, waxaa awood buuxda loo siiyay inuu baddali karo isla markaana magacaabi karo, taliyayaasha Saldhigga booliska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madasha Badbaado Qaran, oo Khamiistii looga dhawaaqay Muqdisho, iyo guud ahaan mucaaradka ayaa walaac xooggan ka muujiyay arrintaan, waxa ayna sheegeen, in u jeedka ka danbeeya magacaabista Saadaq Joon ay tahay, carqaladeyna iyo fashlinta shirka ka dhacaya teendhada Afisyooni.

Farmaajo oo caan ku ah adeegsiga ciidanka ayaa arrintaan go’aansaday, kadib markii ay Beesha Caalamku qaban qaabisay shir weyne looga arrinsanyo aayaha dalka, isla markaana Madaxda Maamullada Puntland iyo Jubbaland ay garoonka diyaradaha kala soo degeen askar aad u hubeysan.

Sidoo kale arrintaan ayaa ku dhalatay taliska waqtigu ka dhamaaday kadib markii ay garoonka diyaaradaha hubkooda la galeen Midowga Murashixiinta, 12-kii bishaan, markaas oo dalka la keenay meydka AUN, MW hore Cali Mahdi Maxamad.

Farmaajo ayaa isku dayay inuu ka hor tago in Mucaaradku garoonka la galaan hubkooda, hayeeshee, Ciidamada AMISOM ayaa fasaxay arrintaas, taas oo sida ay ilo xog ogaal ah sheegayaan laga doonayo Saadaq Joon in aysan mar danbe dib u dhicin.

Saadaq Joon iyo ciidamada uu hoggaamiyo ee Haramcad ayaa lagu xasuustaa weeraradii ay hore ugu qaadeen siyaasiyiinta Mucaaradka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.