Saan-saan dagaal oo laga dareemayo Guriceel

Dhadhaqaaq ciidan ayaa maanta laga daremayaa magaaloyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, kadib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay u ruuqaansaden dhanka Guriceel.

Warar Keydmedia Online
Saan-saan dagaal oo laga dareemayo Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in maanta ay magaalada ka taagan tahay cabsi xooggan oo la xarrirta gacan ka hadal (dagaal) dhexmara ciidamada XDS iyo kuwa kuwa ASWJ.

Sida ay dad ku sugan degaanka Ceeldheere, oo u dhaxeeyay Dhuusamareeb iyo Guriceel, uu sheegeen Keymedia Online, Ciidamada Xoogga dalka oo ay garab socdaan kuwa ammaanka Galmudug ayaa xalay xilli danbe fariiso ka sameystay dhanka qorrax u dhaca magaalada.

Sidoo kale, ciidamo xooggan ayaa la sheegayaa in dhawaan ka ruuqaansadeen fariisimo ay ku lahaayeen agagaarka garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, (Xarunta Galmudug), iyaga oo u soo dhaqaaqay dhanka Guriceel.

Sawiro laga soo qaaday fariisimaha ay ciidanku ka sameysteen Ceeldheere, waxaa ka dhex muuqda taliyaha saldhigga booliska Guriceel, oo hore uga mid ahaa taliyayaasha mudada dheer ka garab dagaallamayay Suufida, ka hor inta uusan dhinaca kale marin sanadkii hore.

Sidoo kale, wararka ka imaanaya Guriceel, waxa ay sheegayaan in Koox diimeedka ASWJ, ay wadaan, abaabul xooggan, kaas oo ay doonayaan in ay uga hortagaan ciidamada is-garabsanaya ee fariisamaha xooggan ka sameystay Ceeldheere.

Dadka shacabka ah, ayaa billaabay in ay ka qaxaan magaalada, taas oo tan iyo billowgii bishaan ay ka taagneyd cabsi amni kadib markii ay la wareegeen, ciidamo taabacsan Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo ah wadaad taageero badan ku leh Gobolka.

Siyaasiyiinta iyo wax-garadka ka soo jeeda degaanka ayaa ku baaqaya in laga baaqsado dagaallo dhibaatada sii siyaadiya xilligaan, isla-markaana aan dadka dan-yarta ah lagu qasbin in xilligaan ay abaarta daran taagan tahay ay u qaxan miyiga magaalada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.