Saaxiib-tinnimadii Turkiga ma daneysibaa baddelay?

Bishii Sebtembar 2021, boolisku waxay xireen kuna wargaliyeen amarro masaafurin ah dhowr qof oo Soomaali ah kuwaas oo ganacsi ku lahaa aagga Kizilay, taas oo ku qasabtay inay iibiyaan ganacsigooda.

Warar Keydmedia Online
Saaxiib-tinnimadii Turkiga ma daneysibaa baddelay?

ANKARA - Muddo sanado ah, bulshada Soomaaliyeed ayaa wax badan ku kordhiyey dhaqaalaha Turkiga, balse hadda waxa ay dareemayaan in ay bartilmaameed u noqdeen, kuwa diiddan ajanabiga ee nacaybka soogalootigu ku badan yahay.

Sida laga soo xigtay hay'adda caalamiga ah ee International Forum for Rights and Security (IFFRAS), ee fadhigeedu yahay dalka Canada, Turkiga ayaa gaaray Soomaaliya isagoo leh ajande u gaar ah oo diiradda saaraya “geo-economics & geopolitics”.

Halkii uu Turkigu saameyntiisa siyaasadeed iyo awooddisa dhaqaale, uga faa’iideyn lahaa Soomaaliya oo ay sahlan tahay in maal-galiyo, ayuu adeegsaday shirkado ay dawladdu leedahay oo xisaabaad aan macquul ahayn xareeya sanad kasta.

Toban sano ka hor sanadkii 2011, madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka soo degay magaalada Muqdisho, iyadoo ay xilligaas jirtay mid ka mid ah abaarihii ugu daraanaa ee soo mara Soomaaliya.

Muddadaas, ku dhawaaqistiisa mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin duullimaadyada Turkish Airlines ay ku imanayso caasimadda, dib u habeyn lagu sameeyay isbitaal Digfeer, furitaanka safaaradda ugu weyn ee Turkiga, ayaa muujisay in howsha Turkiga ay ka gudubtay gargaar iyo in Ankara ay tahay beddelka deeq-bixiyeyaasha. 

Booqashadan taariikhiga ah waxuu ku kasbaday Erdogan ammaan sare dhammaan Soomaaliya dhexdeeda, hayeeshee, toban sano ka dib, Soomaalidu waxa ay ku baraarugeen in gacantii saaxiibtinnomo ee Turkigu isku beddeshay mid daneysi mararka qaarna naacayb gaar ah, waa sida lagu sheegay warbixinta IFFRAS.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa dukaamo iyo shirkado dhaqaale xooggan lagu maal-galiyay oo kala duwan ku leh Ankara. Sidoo kale waxaa waddooyinka magaalooinka waaweyn ee dalkaas lagu arkayaa maqaayado, Timo-jareyaal, Suuqyo, iyo ganacsiyo kale oo Soomaali leedahay.

Warbaahinta ku hadashada afka dowladda Turkiga, ayaa hore u baahisay barnaamijyo ku aaddan ka qayb qaadashada korarka dhaqaalaha Turkiga ee ganacsatada Soomaaliyeed, hayeeshee, waayadan dambe, xaafadda iyo goobaha uu ku badan yahay ganacsiga bulshada Soomaalida ayaa noqday bartilmaameed, halka boolis dharcad ah si joogto ah u dhibaateeyaan shacabka sharciga ku deggan dalka.

Bishii Abriil 2021, wargeys Turkiga laga leeyahay oo caan ku ah tebinta sheekooyinka la xariira soogalootiga, ayaa baahiyay warbixin cinwaan looga dhigay “Xaruntii Ankara waxay noqotay Soomaaliya”, warbixintu waxay sheegtay in ganacsatada iyo magangelyo-doonka ka yimid waddanka Bariga Afrika ay gebi ahaanba waddonyinka ‘Kizilay’ u beddeleen kuwii dalkooda oo kale. Warbixintaas waxaa lagu sifeeyay mid neceyb huwan.

Wixii markaas ka dambeeyay, booliiska oo xiran dhar cad ayaa billaabay inay booqashooyin joogto ah ku tagaan goobaha ganacsi ee ay Soomaalidu ku leedahay Kizilay, iyagoo sameynaya baaritaanno aqoonsi oo goos-goos ah iyo inay dhibaateeyaan macaamiisha, sida ay sheegtay IFFRAS.

Bishii Sebtembar 2021, boolisku waxay xireen kuna wargaliyeen amarro masaafurin ah dhowr qof oo Soomaali ah kuwaas oo ganacsi ku lahaa aagga Kizilay, taas oo ku qasabtay inay iibiyaan ganacsigooda.

Waxaa si gooni ah loo bartilmaameedsaday oo la burburiyay boorarka Afsoomaaliga ku qaran, ee ku dhaganaa xarumaha ganacsi ee Soomaalidu leedahay, waxaana lagu beddelay magacyo Turki ah, tusaale ahaan; Somali Sofrasi, waxay noqotay Guzelyurt Sofrasi.

IFFRAS, oo xiganeysa, ilo xog ogaal ah, waxa ay sheegtay in maamullada maxalliga ah aysan dooneyn in Soomaalida iyo ganacsigooda ay ka muuqdaan bartamaha magaalada Ankara, booliskana ma rabaan Soomaalida ku nool Kizilay, taas oo qeyb ka ah shisheeye naceybka ku sii badanaya dalka Turkiga,

(IFFRAS), waxa ay leedahay ku ganbashada dabinka horumarineed ee huwan magaca diinta, Soomaalidu hadda wax ay u muuqataa in ku baraarugtay, maadaama garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho oo Turkigu gacanta ku hayo aysan dhisme cusub iyo dayactir helin sanadihii la soo dhaafay.

Sidoo kale, isbtitaalka loogu magac daray MW dalkaas, Erdogan, oo hore loogu aqoon jiray Digfeer, waa goobta caafimaad ee ugu adeeg qaalisan caasimadda, lacagta ugu badan ee ka soo xarootana waxa ay dib ugu labataa Ankara, inkastoo adeeg tayo leh iyo shaqaaleynta dhallinyarada cilmiga caafimad leh looga mahadceliyo.

Ciidanka uu tababaro, Turkiga ee ka soo baxa TURKSOM, ee Gorgor iyo Haramcad, ma jiro qorshe ka baxsan hubeynta, waxayna Xukuumadda Ankara, ku fashilantay in ay hubiso waxa loo adeegsado ciidanka ay tababareen.

Gorgor iyo Haramcad, Farmaajo, ayaa u adeegsada danihiisa gaarka ah, wuxuu ku weeraray Madaxweynayaal hore, siyaasiyin mucaarad ah, dad shacab ah, halka uu si guud ugu cabburiyay bulshada Caasimadda iyo qeyb ka mid ah xarumaha Maamullada, talaabooyinkaas Turkigu kama hadlin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.