Sababta ardayda Muqdisho Imtixaanka ugu dhaceen

Waxaa jira Iskuulo si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo Ardayda fasalada qaar ka bootiya, taasoo keentay in Waxbarashadooda ay liidato, sida uu sheegay Goodax.

Warar Keydmedia Online
Sababta ardayda Muqdisho Imtixaanka ugu dhaceen

MUQDISHO, Soomaaliya - Cillado gaar ah ayaa jira oo Wasaaradda ku mashquulsan tahay inay saxdo ciladahaas oo saameyn wayn ku leh Waxbarashadda, ayuu yiri sii hayaha Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre mar uu ka hadlayay sababta keentay in ardayda Xamar ay noqdaan kuwa ugu badan ee ku dhacay Imtixaanka 2019-2020.

Goodax ayaa xusay inay jiraan Iskuullo badan oo kuwa gaarka loo leeyahay oo ardayda ka bootiya ama ka gudbiya fasallada qaar ee dugsiyadda Hoose iyo Dhexe, taasoo keenta inuu ardayga ku dhaco Imtixaanka, maadaama casharo badan aan soo dhigan.

Wuxuu sheegay Wasiirka in 50% wax ka badan ardayda gasha Imtixaanka dowladda ay ka yimaadaan Muqdisho, laakiin ay aad u liidato habka Waxbarashadda ee u degsan Iskuuladda ay kasoo baxaan, oo aan xoogga saarin tayadda tacliinta, balse ka fekera lacagta bisha [School Fee].

Wasaaradiisa ayuu tilmaamay inay xirtay Iskuul dhowr ah, oo markii la baaray la ogaaday inay howshooda tahay ganacsiga, balse aan waxba barin ardayda u dhigata, iyadoo la billaabay in la diiwaangeliyo dhamaan ardayda laga soo billaabo Grade 1 illaa Grade 12, waxaana la geliyay System-ka Wasaaradda.

Hadalka Goodax ayaa yimid kadib markii shalay ay Wasaaradiisa shaacisay natiijo aad loola yaabay, oo ahayd in 8-kun oo arday in ka badan ay ku dhaceen Imtixaankii Dugsiga Sare ee 2019-2020, kuwaasoo badankooda ay Muqdisho kasoo jeedaan. [Halkan ka akhri Warka]

Waxaa kaloo la yaab noqotay in Iskuuladda ugu wanaagsan iyo Ardayda kaalinta hore gashay ay kasoo jeedaan gobolka Gedo, taasoo abuurtay shaki ah inuu Farmaajo uu faragelin ku sameeyay Imtixaanka, si uu dadkiisa safka hore u geliyo dhinaca waxbarashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.