Sababta Kenya u rabto in dib loo dhigo Kiiska Badda

Mudo saddex jeer oo hore ayaa dib loo dhigay dhageysiga dacwadda ay dowladda Xasan Sheekh u gudbisay ICJ sanadkii 2014.

Warar Keydmedia Online
Sababta Kenya u rabto in dib loo dhigo Kiiska Badda

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa codsatay in dib loo dhigo dhageysiga Kiiska Badda markii 4aad, taasoo dowladda Farmaajo ee waqtiga uu ka dhamaaday ay diiday Maanta.

Dad badan ayaa is waydiinaya sababta Kenya u doonayso dib u dhigista, oo Wasiirka Warfaafinta DF Cusmaan Dubbe ku tilmaamay "Cadaalad la daahiyay, waa Cadaalad la dafiray".

Kenya ayaa labo sababood u dalbanaysaa dib u dhigista, kuwaasoo kale ah inaysan xiligan Soomaaliya ka jirin dowlad sharciyad haysata iyo Cudurka COVID-19 oo caqabad ku noqday u diyaar-garowga Kiiska Badda ee yaalla ICJ.

Muranka u dhexeeya labada dal ee deriska ah wuxuu salka ku hayaa khilaaf ka dhashay jihada labada dal ay u ku doonayaan in loo cabiro xuduud badeeda Badweynta Hindiya.

Soomaaliya waxay doodeysaa in soohdinta badeed ay ku qotonto mida dhuleed ay la wadaagto Kenya, oo laga cabirayo koonfur-bari ee soohdinta.

Kenya waxay rabtaa in soohdintu laga cabiro xeebta ilaa 45-digrii oo ay ku socoto khadka hoose, taas oo Nairobi siinaysa qeyb ballaaran oo badda ah, oo shidaal uu ku jiro.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.