Sababta uu u baaqanaayo shirkii madaxda maamul-goboleedyada

Warsaxaafadeed kasoo baxay shir aaladda Zoom-ka ay ku yeesheen madaxda maamul-goboleedyada 17-kii bishan ayaa lagu shaaciyay in laga reebay Ra'iisul wasaare Rooble, arrintaasi oo dad badan ula muuqatay khilaafka labada masuul ka dhaxeeya, 

Warar Keydmedia Online
Sababta uu u baaqanaayo shirkii madaxda maamul-goboleedyada

MUQDISHO, Soomaaliya- Maalinta berrito ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 21, September ayaa la filaayay in shir wada-tashi uu uga furmo magaalada Garowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland, madax maamul-goboleedyada dalka.

Waxay kaga arrinsan lahaayen madaxweynaayasha, dardargelinta qabsoomiddda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda dalka uu marayo, kaddib kala aragti duwanaanshiyaha soo kala dhex galay Farmaajo iyo Rooble. Macluumaad ay Keydmedia ka heleyso ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa u xaqiijiyay in shirkaasi dib loo dhigay, kaddib markii madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor  uu sidaasi dalbaday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay shir aaladda Zoom-ka ay ku yeesheen madaxda maamul-goboleedyada 17-kii bishan ayaa lagu shaaciyay in laga reebay Ra'iisul wasaare Rooble, arrintaasi oo dad badan ula muuqatay khilaafka labada masuul ka dhaxeeya, iyadoo dadka qaarna ay ku doodayaan inay sabab u tahay go'aan kii  kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo awooddiisa fulinta looga xayuubiyay R a'iisalwasaare Rooble oo aan aheyn mid sharciga u oggolaanaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Kaddib wadahadal dhex maray madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo Ra'iisal Wasaare Rooble, ayuu Qoor-Qoor ka dalbaday dhiggiisa Puntland in shirkaasi la iska hakiyo.

Lama oga waxa rasmiga ah ee kasoo baxay kulanka Rooble iyo Qoor-qoor, balse kulankaasi ayaa horseeday in la baajiyo shirkii madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada ay uga arrinsan lahaayeen doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Qoor-qoor ayaa kamid ahaa shakhsiyaadka dadaalka ku bixinayay xalka Farmaajo iyo Rooble, inkastoo ay jirto aragti laga heysto oo ah in uu aad ugu  dhaw yahay madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ee Farmaajo.

Lafta-gareen oo isna ah Madaxweynaha Koonfur galbeed oo ka tirsan kooxda Farmaajo ayaa isna qeyb ka ahaa dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka Farmaajo iyo Rooble, balse ay ku guuldareysteen inay dhexdhexadiyaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.