Afar mas’uul oo ka tirsan DF oo howl gaara loo diray

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa farriin gaara udiray afar mas'uul oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo mas'uul ka ahaa go'aankii muddo kordhinta!

Warar Keydmedia Online
Afar mas’uul oo ka tirsan DF oo howl gaara loo diray

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska arrimaha Afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa magacaabay afar Hoggaamiye oo ka tirsan dowladda waqtigooda dhamaaday kuwaasoo looga digay arrinta muddo kordhinta. Barta gaarka ah ee xafiiska ayaa lagu daabac war kooban oo ku saabsan dhacdadii 12/April, waxaana si gaara magacyadooda loo xusan afarta mas’uul ee kala ah Madaxweyne Farmaajo, guddoomiye Mursa iyo ku xigeenadiisa 1 -aad iyo 2 -aad Muudey iyo Cawad.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Muddo kordhinta dowladda Federaalka ayaa si qoto dheer u fogeyneysa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya” waxaa kale oo warbixinta lagu yiri “Hoggaamiyayaashu waa inay si deg-deg ah ugu laabtaan wadahadalada ayna xalliyaan qalalaasaha doorashada."

Kaaliyaha xafiiska Xoghayaha Antony Bilnken ayaa bartiisa gaarka ah farriin ugu diray hoggamiyayaasha Soomaalida waxa uuna bartiisa Twitter -ka kusoo qoray qoraal kooban oo uu uga hadlayo muddo kordhinta waxa uuna yiri “Go’aanka lagu kordhiyay muddada dowladda Federaalka ayaa wiiqeysa sii socoshada nabadda iyo amniga dalka. Waxaan ugu baaqeynaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay dib ugu laabtaan wada hadalada isla markaana ay isla meel dhigaan wadadii horey loogu mari lahaa

Farriinta ayaa sidan loogu daabacay barta Twitter -ka:

Farriintan afarta mas'uul sida gaarka ah loogu magac dhabay ayaa waxay u muuqataa in mas'uuliyadda muddo kororsiga dusha laga saaray, waxaana laga yaabaa in afartooda ay noqon doonaa dadka ugu horreeya ee tallaabo laga qaado maadaama ay hor boodayeen tallaabadii muddo kororsiga ee 12 -kii April loogu sameeyay hay'adaha dowladda iyo madaxweyne Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].