Saddex Nin oo isku reer ah oo ku shiraya Muqdisho

Inay Muqdisho isagu yimaadaan waxuu ahaa qorsho horey Farmaajo u dejiyay, oo lagu heshiiyay inaysan Axmed Madoobe iyo Deni ka qeybgalin Shirkii Dhuusamareeb 3, kaasoo ay tageen Maamullada Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Saddex Nin oo isku reer ah oo ku shiraya Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqdisho waxaa ku sugan Madaxda Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni oo todobaad hore yimid, iyagoo wata Ciidamo u gaar ah oo amaankooda ilaalinaya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u yeeray labada hogaamiye ee isku reerka yihiin, si ay uga hadlaan arrimaha dalka Soomaaliya, iyagoo ku shiraya Muqdisho oo ay ku nool yihiin in ka badan 3 milyan oo maqaam haysan, oo dushooda lagu gor-gortamaya.

Villa Soomaaliya ayay shalay ku kulmeen saddex Mas'uul, iyagoo yeeshay shir albaabada u xiran, oo macluumaadkiisa laga qariyay Shacabka Soomaaliyeed, oo la yaaban sida Farmaajo uu maqaamka sare u dhigay reerkiisa, kuwa kalena uga dhigay waxba kama jiraan.

Deni yo Axmed Madoobe ayaa diiday inay aqbalaan natiijadda Shirkii Dhuusamareeb, waxaana hadda u joogaan Muqdisho inay helaan sed-buris iyo rabitaankooda qodobo ku salaysan in lagu soo daro heshiiskii hore.

Mabda'a sareysiinta reerkiisa waa mid uu Farmaajo ku caan-baxay, iyadoo xitaa Waxbarashadii qabyaaladeeyay oo Iskuullada ku yaalla Gedo dhigay kuwa ugu sareeya ardaydooda Imtixaanka dowladda ee Dugsiga Sare ee 2019-2020. [Halkan ka akhri Warka]

Axmed Madoobe oo dhibaatooyin badan iyo tacadiyo ku haya dadka Jubbaland, islamarkaana ku dilay Kismaayo odayaal badan iyo ganacsato markii uu magaaladda qabsaday kadib ayaa Farmaajo u saxiixay inuu 4 sano oo kale kursiga ku fadhiyo.

Madaxweynaha ayaa aqbalay inuu Ciidanka DF kasoo saaro gobolka Gedo, kuna bedelo malleeshiyaadka Axmed Madoobe oo lagu eedeeyo xad-gudubyo bini'aadanimada.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.