Safaarada Somalia Oo Diiwaangelin Soomaalida Islii

Nairobi (Keydmedia) - Safaaradda Dawladda Federaalka KMG ah ee dalka Kenya ayaa manta shaacisay in ay diiwaan gelinayso dadka Soomaalida ee dalka Kenya ku dhaqan.
Warar Keydmedia Online
Safaarada Somalia Oo Diiwaangelin Soomaalida Islii

Safiirka Dawladda KMG ah u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Safaaradu ka furayso Xaafada Islii Xafiis laga diiwaan gelinayo dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.

Xafiiskan ee laga diiwaan gelinayo dadka Soomaalida ayuu ku sheegay Safiirku in lagu dabagalayo,loolana socoyanayo wixii dhibaato ah oo bulshada khatar ku haya,wuxuuna sidoo kale intaas ku daray in
Xukuumadda Kenya si fiican arrinta uu ugala hadlay.

Sidoo kale wuxuu Soomaalida kunool Kenya ku booriyey in ay Khalad tahay adiga oo ardey ah ama ganacsade ah oo sharci ku jooga dalka in mar kasta laaluush bixiso aysan wanaagsanayn,taasna ay haboontahay in la iska saxo.

Si kastaba waa markii ugu horeysay oo Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya ay balan qaaday in ay furayso Xafiis lagala socdo baahiyaha ay qabaan dadka Soomaalida iyo sidii wax loogala qaban lahaa.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.