Safaaradaha Soomaaliya qaar oo qarka u saaran in ay xirmaan

Keydmedia Online ayaa heshay warqad cabasho ah ay saafaradahaan u gudbiyeen Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya kadib markii laga jartay Running cost. 

Warar Keydmedia Online
Safaaradaha Soomaaliya qaar oo qarka u saaran in ay xirmaan

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta badan Safaaradaha Dowladda Soomaaliya ay Dibadda ku leedahay ayaa qarka u saaran in ay xirmaan sababo la xiriiro dhaqaalo la'aan soo foodsaartay tan iyo sanadkii 2019.

Qoraal ka soo baxay safaaradahaan oo horyaala Keydmedia Online ayaa lagu sheegay in laga jartay qarashaadka ama lacagtii adeegga socod siinta (RUNNING COST), islamarkaana ay dhowr jeer cabasho gudbiyeen Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya balse aanu jawaab ka helin arintaan. 

Safaaradahan ayaa sidoo kale sheegay in qarashkii adeegga ama socodsiinta howlaha Xafiisyada Sanadkii hore 2019-kii qaarkood ka maqan yihiin ayna hada ugu darsantay sanadkan oo bilooyin badan ka maqan yihiin.

Danjirayaasha iyo Qunsuilada Soomaaliya u jooga in ka badan 20-Wadan oo Warqadan hoos ku xusan u diray Wasiirka Arimaha Dibadda ayey ku sheegeen in shaqooyinka safaaradaha socon la yihiin ayna mushaar la’aan yihiin shaqaalaha safaaradaha mudo dhoor bil ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa bixisa sida caadiga ah badjadka ku baxaya Safaaradaha, kaasoo ay u ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Arintaan ayaa walaaceeda leh xilli dalku galay marxalad kala guur ah, taasoo sababi karto in Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha u xirmaan dhaqaalo la'aan.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.