NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Kadib go'aankii Dowladda federaalka ay xiriirka diblumaasiyadeed ugu jartay dhigeeda Kenya, Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa istaajisay dhamaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay.
NAIROBI, Kenya - Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa maanta shaacisay in laga bilaabo berri oo Khamiis ah ay hakin doonto dhamaan adeegyaddii ay bixin jirtay.
Sida lagu shaaciyay baraha bulshadda ay safaaraddu ku leedahay Facebook & Twitter, adeegyadii ay bixinaysay safaaraddu ayaa laga bilaabo Khamiista berri la istaajin doonaa.
"Ayada oo la fulinayo go’aanka dowladda, waxaa la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay (...) Qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah"
Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii DF ay habeenimadii Isniinta sheegtay inay xiriirka u jartay Kenya, kuna amartay diblumaasiyiinteeda ku sugan Nairobi inay deg deg dalka ugu soo laabtaan.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe, ayaa Idaacadda Dowladda ka shaaciyay in Dowladda ay diblumaasiyiinteeda kala baxeyso Kenya, kuwa Kenyana faray in ay dalkooda u laabtaan.
Ugu yaraan 100,000 oo u dhashay Kenya, islamarkaana ka shaqeysta gudaha Soomaaliya ayaa halis ugu jiraan inay waayaan shaqooyinkooda.
Muwaadiniinta Kenya ee jooga dalka waxay aad uga shaqeeyaan dhanka maqaayadaha, huteelladda casriga ah, Jaamacadaha iyo dhismaha, waxaana sii kordhayay tiradooda sanadihii dambe, maadama ay arkeen lacag badan oo wadankooda ku heli karin.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments