Waa kuma safiirka cusub ee soo caga dhigtay Muqdisho?

Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka shaqeynta Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma safiirka cusub ee soo caga dhigtay Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya – Safiirka cusub ee dalka Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Per Lindgärde, ayaa soo gaaray Caasimadda Muqdisho, waxaana nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balaal Maxamed Cusmaan.

15-kii April 2021, Sweden ayaa Per Lindgärde, u magacawday safiirka Soomaaliya, wuxuuna qoshuhu ahaa inuu bartamaha deyrtaan la wareego jagadiisa cusub, Lindgärde waxaa laga soo bedelay Uganda waxaana uu hore u ahaa safiirka Nigeria.

Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradaha Sweden ee Nairobi iyo Addis Ababa, halka uu soo noqday wakiilka Sweden u jooga Geneva. Waxa kale oo uu soo noqday Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, wuxuuna La-taliyaha gaarka ee Geeska Afrika ka noqday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sweden.

Dadka yaqaanna Per Lindgärde, ayaa sheegay inuu qibrad xooggan u leeyhay arrimaha Soomaaliya, Qaramada Midoobey ayaana 3 Aug 2006, u magacaabay ku -xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya.

Xilligaas, dadaallada diblumaasiyadeed ee hay'adda adduunku waxa ay diiradda saarayeen kobcinta wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladdii Ku-meelgaarka ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Golihii Sare ee Maxkamadahii Islaamka, kuwaas oo ciidamadoodu la wareegeen gacan ku heynta caasimadda.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay safiirka cusub ee Sweden, isagoo xusay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadkiisa.

Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka shaqeynta Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.