Safiirka Ingriiska oo ka digay doorasho ‘afduub ah’

Dowladda Ingriiska ayaa ka hadashay xaaladaha ku gadaamadan doorashooyinka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Safiirka Ingriiska oo ka digay doorasho ‘afduub ah’

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender ayaa soo duubay muuqaal gaaban oo uu uga hadlayo doorashoyinka dalka.

Ben Fender ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyadu ay isugu yimaadeen lagu dhameystirayo qorshayaasha lagu hirgelinayo hannaanka doorashada ee heshiiska lagu gaaray 17 bishii September 2020.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in mustaqbalka Soomaaliya ay tahay in ay iyagu go’aan ka gaaraan, wuxuuna madaxda Dhuusamareeb ku shirsan sheegay inuu ka rajeynayo in ay isku tanaasulaan, heshiis wadar ogol ahna gaaran, si doorashadu xilligeeda ugu qabsoonto.

Ben Fender ayaa sheegay in taariikhda lagu qorayo ruuxii isku daya in uu doorasho afduub ah sameeyo, ama abuura xiisado uu xasarado dalka ku galinaayo isagoo firsanaya dan gaar ah.

Ujeedada hadalka Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa loo fasiran karaa in uu kula hadlayo Farmaajo maadaama uu yahay shaqsiga hadda talada haya, isla marakaana doonaya inuu boobo doorashada dalka.

Sida ay Keydmedia Online ka ogaatay diblumaasiyiin, dowladda UK, kuma qancin kulankii beesha Caalamka la qaateen Madaxweyne Farmaajo, kaas oo ka dhacay Muqdisho.

Bogga Twitter ee Keydmedia English ka daawo Muuqaalka

Sida muuqata Boqortooyda UK, iyo waddammo kale oo waaweyn ayaa cabsi ka qaba in doorashada Soomaaliya ay carqalado ka dhashaan, waana sababta uu Safiirka Ingiriiska ugu sheegay Farmaajo in ay taariikhdu qormeyso, isla markaana aan qofna laga aqbali doonin inuu doorasho kaligiis u xiran qabsado,

Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku wada sugan Dhuusamareeb, waxaana halkaa ka dhacaya shir looga arin-sanayo doorashooyinka soo fool leh.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.