Safiirka Itoobiya oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho

Safiirka Dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi, ayaa u muuqda inuu billaabay galangal siyaasadeed oo saaxiibo loogu raadinayo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Safiirka Itoobiya oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan, ayaa Magaalada Muqdisho ka wada kulamo siyaasadeed, wuxuuna saacadihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay caasimadda dalka, ku qaabilay Danjire Cabdulfataax, waxaana kulankaa looga hadlay arrimo la xariira amniga degaannada HirShabeelle, sida laga soo xigatay how-wadeenno ka tirsan maamulkaas.

Xalay ayay ahayd markii Safiirka Itoobiya u jooga  Soomaaliya Danjire Cabdulfataax, uu kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam.

Sidaas oo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay ku qaabilay Cabdifatax Cabdullahi Xasan, sagaalkii bishaan, wuxuuna kulammo kale oo xasaasi ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda Mucaaradka.

Safiirka Itoobiya oo wax ka yar 30 cisho magacaaban, ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeelan doono maalulka doorashada Koofur galbeed, waxaana la aaminsan yahay inuu wakiil ka yahay Abiy Ahmed, oo saaxiib dhow la ah Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.