Safiirka Shiinaha oo la kulmay Wasiir ka tirsan DF

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la qaatay wasiir ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ah ee dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Safiirka Shiinaha oo la kulmay Wasiir ka tirsan DF

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian ayaa kulan kula qaatay xarunta Safaaradda Shiinaha ay ku leedahay magaalada Muqdisho Wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.

Kulanka ayaa diirada lagu saarnay xiriirka labadda Dowladdood iyo arrimaha Gargaarka Bini-aadanimada, waxanaa safiifka uu xusay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ku bixinayaan Soomaaliya iyo garab istaagooda.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan ka hadashay arrintii muranka dhalisay ee la xiriirtay arrimah doorashooyinka, waxaana dowladda Shiinuhu ay sheegeen in la dhowro madaxbannaanida dowladda Soomaaliya. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.