Safiirkii hore ee Mareykanka oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya

Safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadley xaaladda cakiran iyo is mari-waaga ka taagan hirgalinta doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Safiirkii hore ee Mareykanka oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya

WASHINGTON, USA – Danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya Stephen Schwartz, oo bixiyay wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa sheegay in xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ay hadda tahay mid khatar ah, oo laga baaqsan karay.

Wuxuu sheegay in Farmaajo, arrintaas sababteeda leeyahay, afartii sano ee la soo dhaafayna uusan maalin qura ka shaqeyn hirgalin doorasho, wuxuuna ku eedeeyay inuu diiday la shaqeynta maamuladda, marka laga yimaado kuwa uu isagu kursiga saaraty.

Stephen Schwartz, wuxuu xusay in Farmaajo dhaawacay sooyaal qurxoonaa, kaas oo ah qori isku dhiibkii iyo doorashooyinkii nabdoonaa, wuxuuna tilmaamay in uusan lahayn bisayl siyaasadeed oo la mid Madaxweynayaashii ka horreeyay.

Danjirihii hore ee Mareykanka, wuxuu sii baritaaray, qoraaladii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, wuxuuna ku taliyay laga gudbo kaliya hadallada diblumaasiyadeed, lana qaado tallaabo adag.

Wuxuu si cad u qeexay, in Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin, ay soo marto lacagta sirta ah ee ka timaadda dalka Qatar, islka markaana uu yahay hoggaamiye ku Milan siyaasada, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Mr. Schwartz. oo u muuqda shaqsi si weyn u fahmay Farmaajo, ayaa waddama gadaal ka taagan ugu baaqay in ay si qoto dheer u eegaan arrintaas, maadaama uu dalku kusii socdo waddo aan wanaagsaneyn.

Stephen Michael Schwartz, Wuxuu ahaa Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya intii u dhexeysay July 2016 ilaa October 2017.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.