NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waraaqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Jabuuti.
JABUUTI, KON - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaas mudane Salaad Cali Jeelle.
Salad Cali Jelle ayaa intii uu madaxweyne Farmaajo hayay talada dalka ka mid ahaa lataliye-yaasha madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sidoo kale caan ku ahaa inuu warbaahinta la hadlo markii ay mucaaradka dowladdu war soo saaraan.
Salaad Cali Jeelle oo loo yaqaan in uu yahay Calooshiis-u-shaqeyste ayaa Af-lagaaddo hawada u marin jiray qaar ka tirsan madaxda xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan kuwa ay isku qabiilka yihiin ee kasoo jeeda waqooyiga magaalada Muqdisho.
Salaad Cali Jeelle ayaa soo Af-jari doona qeyladii iyo Af-la gaadadii uu ku hayn jiray mucaaradka Famaajo, isagoo haatan si rasmi ah u noqday Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Jamhuuriyadda Jabuuti.
Sidaas oo kale mid kamida dadkii baraha bulshada ka ammaani jiray madaxweyne Farmaajo ee caayda la daba-taagnaa madaxdii ka horreysay Farmaajo ayaa loo magacaabay Safiirka waddanka Sinigal, Maxamed Xuseen Awliyo ayaa isna lagu abaal mariyay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doona waddanka Sinigal.
KEYD MEDIA ONLINE
Add comment
Comments