Saldhigga AMISOM ee Mahadaay oo la weeraray

Kooxda Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay weerarka oo kusoo beegmaya xili Ciidanka AMISOM ay isku diyaarinayaan inay dalka ka baxaan.

Warar Keydmedia Online
Saldhigga AMISOM ee Mahadaay oo la weeraray

MAHADAAY, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey Saldhiga Military oo Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa sida dadka degaanka u xaqiijiyeen KON ka dhashay khasaarooyinka isagu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaarey labada dhinac oo isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud.

Ciidanka Burundi ayaa waxay gurmad ka heleen Askarta dowladda Soomaaliya ee ku sugan duleedka magaaladda, waxayna markii dambe awoodeen inay dib isaga riixaan malleeshiyaadkii soo weeraray.

AMISOM wali kama aysan hadlin weerarka Ciidaka Burundi lagu qaaday iyo khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay.

Ciidanka AMISOM ayaa Soomaaliya ka jooga Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxayna ka kooban yihiin 22,000 oo askari oo ka socda Kenya, Jabuuti, Burundi, Uganda iyo Itoobiya.

Waxay mudadii 13-ka sano ay joogeen ku guuleystay inay Al-Shabaab ka saaraan magaalooyin badan oo Muqdisho ugu horeysay, iyadoo hadda ay isku diyaarinayaan inay dalka ka baxaan dhamaadka 2021.

Maalmo kahor, Ciidanka ka socda Uganda ayaa ku wareejiyay kuwa dowladda Soomaaliya saldhig ku yaalla Afgooye, G/Sh/Hoose, waxayna tallaabadan qeyb ka tagay qorshaha mas'uuliyadda amaanka loogu wareejinayo Ciidanka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.