Sidaas miyeey la maaganyahiin Muqdisho?
Dilka ayaa ka dhacay agagaarka goob maqaaxi ah oo ay dadka si weyn ugu badan yihiin isla markaana ku taala gudaha Suuq xiliyadan danbe ka hirgalay deegaanka Ceelasha Biyaha.
Samadoonka la toogtay ayaa waxa uu ka mid ahaa dadka tirada yar ee sida weyn ugu dhaq dhaqaaqa arimaha Nabadda iyo Nabadeenta Dalka, waxaana dadka qaarkiis ay rumeysan yihiin Dadaalkiisa Nabadda la xiriira in loo dilay.
Dadka sida weyn u yaqaanay qaarkood ayaa waxa ay sheegeen mudadii ay garanayeen inuu ahaa nin u ola-oleeya waxyaabaha bulshada danta ah, sida dhismaha wadooyinka iyo taakuleenta Dadka liita, waxaana xiligan dilkiisa uu dhacayay uu ku lug lahaa Dhisamaha Masaajid laga hirgalinayo deegaankaasi loo barakacay ee ceelasha Biyaha.
Aqoonyahanka, Nabadoonada iyo Dadka waxtar wanaagsan u leh bulshada ayaa tan iyo muda fogba waxaa si weyn u beegsanayay kooxa aan la aqoon faa'idada ay ka helayaan dilka dadka wax galka ah.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments